4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Duqa Muqdisho oo Saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada

 

Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Eng. Yariisow ayaa xusay in habraacani uu waafaqsan yahay Iibka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay habraac tilmaam u ah sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay in caddaalad lagu maamullo wax walba oo ka baxaya Dawladda Hoose.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sida ku qoran habraacan waxaa la dhisi doonaa Guddiga Iibka ee Dawladda Hoose oo masuul ka ah howlaha ku xusay habraacan, si ay u hubiyaan in qandaraasyada ka baxa Gobolka Banaadir ay shirkadaha soo dalbaday ugu tartamaan si caddaalad ah oo leh habraac ay ku kalsoon yihiin, taasoo fursad u ah ganacsatada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]