4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay socdaal madaxweyne Farmaajo uu ugu ababaxay Addis Ababa

 

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababba kadib martiqaad uu ka hadlay ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa Amaanka, waxaana uu kulankan daba socdaa kulmadii ay horay u yeesheen labada mas’uul

Axadii toddobaadkan waxaa magaalada Asmara ka dhacay kulan saddex geesood ah oo halkaa ku dhaxmray hoggaamiyayaasha dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, laakiin Soomaaliya kulankaasi qeyb kama aysan aheyn.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiiru-Dowlaha Arrimaha dibadda  Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]