4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Somaliland oo ka hadashay dagaal kooban oo ka dhacay maalintii shalay gobolka Sool iyo bariga Sanaag

 

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Afhayeen u hadlay Ciidanka Militeriga Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal kooban oo maalintii shalay ka dhacay Sool iyo bariga gobolka Sanaag.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Somaliland Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere), ayaa ka warbixiyey dagaalo goos goos ah oo ka kala dhacay Sool iyo Sanaag, waxaanu sheegay in shalay ciidamo Puntland soo galeen gobolka Sanaag oo dagaal ku dhexmaray gobolkaasi, halka maanta deegaanka Gambadha ciidanka jooga ay soo weerareen Puntland.

“Shalay iyo maanta waxa dhacay dagaal gaadmo ah oo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag bari iyo Sool, waxay shalay ciidanka Militerigu ka war helay ciidan Puntland oo soo galay Sanaag, ka dibna waanu eryanay oo baacsanay ilaa aanu gaadhsiinay xuduudda”ayuu yidhi afhayeenka Taliyaha oo ka hadlayey dagaalkii shalay ka dhacay Sanaag.

Mar kale waxa uu sheegay in dagaal kale ka dhacay deegaanka Gambadhha ee gobolka Sool, waxaanu yidhi “laba gaadhi ayaa soo weeraray barqadii ciidanka Gambadha, haseyeeshee labadii baabuur mid baanu ka qabsanay oo hadda gacanta ayaanu ku haynaa, haseyeeshee waxa wararka xagooga naga soo gaadhayaa sheegayaan in afar askari oo uu ku jiray taliyihii watay uu ku dhaawacmay oo ay u baxsadeen dhinaca xadka”.

Tan iyo intii isbedelka ka dhacay Puntland wax dagaal ahi kama dhicin deegaanka Tuko raq oo ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somaliland iyo Puntland, haseyeeshee maanta ayey wararku sheegayeen in dagaalo cusub oo goos goos ahi ka dhacay gobolka Sool.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.