3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Somaliland oo ka hadashay dagaal kooban oo ka dhacay maalintii shalay gobolka Sool iyo bariga Sanaag

 

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Afhayeen u hadlay Ciidanka Militeriga Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal kooban oo maalintii shalay ka dhacay Sool iyo bariga gobolka Sanaag.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Somaliland Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere), ayaa ka warbixiyey dagaalo goos goos ah oo ka kala dhacay Sool iyo Sanaag, waxaanu sheegay in shalay ciidamo Puntland soo galeen gobolka Sanaag oo dagaal ku dhexmaray gobolkaasi, halka maanta deegaanka Gambadha ciidanka jooga ay soo weerareen Puntland.

“Shalay iyo maanta waxa dhacay dagaal gaadmo ah oo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag bari iyo Sool, waxay shalay ciidanka Militerigu ka war helay ciidan Puntland oo soo galay Sanaag, ka dibna waanu eryanay oo baacsanay ilaa aanu gaadhsiinay xuduudda”ayuu yidhi afhayeenka Taliyaha oo ka hadlayey dagaalkii shalay ka dhacay Sanaag.

Mar kale waxa uu sheegay in dagaal kale ka dhacay deegaanka Gambadhha ee gobolka Sool, waxaanu yidhi “laba gaadhi ayaa soo weeraray barqadii ciidanka Gambadha, haseyeeshee labadii baabuur mid baanu ka qabsanay oo hadda gacanta ayaanu ku haynaa, haseyeeshee waxa wararka xagooga naga soo gaadhayaa sheegayaan in afar askari oo uu ku jiray taliyihii watay uu ku dhaawacmay oo ay u baxsadeen dhinaca xadka”.

Tan iyo intii isbedelka ka dhacay Puntland wax dagaal ahi kama dhicin deegaanka Tuko raq oo ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somaliland iyo Puntland, haseyeeshee maanta ayey wararku sheegayeen in dagaalo cusub oo goos goos ahi ka dhacay gobolka Sool.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.

 













Click here
3/5/2019 3:38 PM EST
Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa gaaray goor dhaw magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaa oo maalinta berri ah wada hadal ku yeelan doonaan dhiggooda Uhuru Kenyatta.

3/5/2019 12:50 PM EST
Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) - Deegaannada miyiga gobolka Mudug ee Mindha-ciraan illaa aagga Gosol ayaa waxaa ka taagan xaalad nolaleed oo ay dadka deegaanka ku sheegeen middii ugu liidatay,markii dadka iyo duunyadaba ay ku adkaatay inay helaan biyo ay cabbaan.

3/5/2019 12:46 PM EST
Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Qoysaska muslimiinta ah ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa carruurtooda kala baxay dugsiga Parkfield Community ,iyagoo ku eedeynaya iskuulka inuu ardayda baro waxyaabo ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

3/5/2019 11:59 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaal ka dhacay deegaanka Gambara ee gobolka Sool,kaddib weerar lagu qaadday ciidanka Soomaaliland.

3/5/2019 11:08 AM EST
Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/5/2019 9:41 AM EST
Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) -Muno Kuri oo aheyd 36 Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay ciidamada booliiska.

3/5/2019 9:00 AM EST
Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

3/5/2019 4:22 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) –Eedeysanahan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa in mudo ah ku xirnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey ayadoo loo heystay dambi isugu jiray dil iyo Kufsi.

3/5/2019 2:24 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababba kadib martiqaad uu ka hadlay ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

3/5/2019 12:23 AM EST
Talaado,Maarso 05, 2019 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa BBC u sheegay in marnaba uusan wada hadal ka furneyn muranka la xiriira Xudduud Baddeedka ee ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

3/5/2019 12:06 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu wado in uu maanta ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa imanaya xili magaalada Asmara Axadii toddobaadkan kulan saddex geesood ah ku yeesheen madaxda dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea.