4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in go'aan ka gaarista khilaafka xudduud Baddeedka loo daayo maxkamada ICJ

 

Talaado,Maarso  05, 2019 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa BBC u sheegay in marnaba uusan wada hadal ka furneyn muranka la xiriira Xudduud Baddeedka ee ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in taa macnaheedu aheyn in labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya sidaa ku dhamaanayo xiriirkoodii soo jireenka ahaa daris-nimo iyo waliba Diblomaasiyaddeed.

Khadar ayaa intaa raaciyay in soo afjarida khilaafka iyo muranka Badda ay u taalo maxkamada Cadaallada Dunida ee ICJ , dowladda Soomaaliya-na qorshaheedu yahay in halkaa lagula kala baxo oo kaliya.

"Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo walaalo ah, daris ah, xiriir qota dheer oo isugu jira dhanka walaalnimada, bulshada iyo dhaqanka ayaana ka dhaxeeyay. Xiriirkaasi wuu jiraa waxbana iskama baddalin. Arrinta badda oo ay dadku mararka qaar soo hadal qaadaanna waa dacwad hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyada ayaana ka dhur sugeynaa go'aankeeda".

.Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya bishan 12keeda kulan ku yeelan doonaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaa oo ay uga wada hadlayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka abuurmay dhulka lagu muransan yahay ee Xudduud Baddeedka labada wadan, kaddib markii dowladda Kenya ay dhawaan shaacisay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya.

Laakiin marka la eego hadalka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya wada hadalka la sheegay in labada madaxweyne ka yeelanayaan arrintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]