4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Madaxweyne Farmaaajo oo maanta u safaraya magaalada Addis Ababa

 

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu wado in uu maanta ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa imanaya xili magaalada Asmara Axadii toddobaadkan kulan saddex geesood ah ku yeesheen madaxda dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo  Eritrea.

Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ayeey u muuqataa dowladda Soomaaliya in ay shaki ka qabto socdaalka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo wadamada gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulan la yeesho ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka wada hadli doonaan wax yaabaha ka soo cusboonaaday xiriirkii wadamada Geeska Africa oo Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee siyaasadeed, gaar ahaan kulankii saddex geesoodka ee ka dhacay magaalada Asmara.

Qaban qaabada safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho,waxaana la xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa madaxtooyadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]