Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL) –
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey ayaa sheegay in shaqsi
ahaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
maamulka soo dhaweynayaan go’aanka ay dowladda Soomaaliya uga joojisay
dhaqaalihii ay siin jirtay maamulka
Galmudug.
Wuxuu sheegay in madaama hadda
maamulka Galmudug uu labo garab u kala jabay dowladdu la gudboonaatay in ay
joojiso gabi ahaanba lacagihii ay bixin jirtay ama siin jirtay maamulka ama
haddiiba ay lacag bixineyso ay ku qasbanaan doonto in ay labada garab u kala
qeybiso.
“Horta aniga Shaqsiyan waan taagersanahay in Galmudug lacagta laga
joojyo,Galmudug Xaaf kaliya maahan,hadii kale dowladda waxaa u furay Saddex
Go’aan in ay lacagta dowladda ku bixiso ama ay iska joojiso ayuu yiri
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.”
Saddexda go’aan ee dowladda u furan ayuu ku sheegay In dowladdu lacag u
kala qeybiso labada garab ee uu maamulku u kala jabay ama ay sameyso guddi dhax
dhaxaad ah oo dhaqaalahaa ay dowladdu ku
aaminto iyo qodobka saddexaad oo ah kan ay hadda dowladdu qaadatay ee ah in ay
joojiso dhaqaalaha.
Waxa uu ka digay sida uu sheegay in lacago ay dowladda bixiso in loo
adeegsado kicinta Bulsho laguna abaabulo maleeshiyo beeleedyo sida uu hadalka u
dhigay.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay
dowladda Soomaaliya in ay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulka, dhinaca
kalana fara-galin ba’an wali heyso sida uu hadalka u dhigay habsami u socodka
howlaha maamulka gobolleedka Galmudug, isaga oo ugu baaqay bulshada ku dhaqan
deegaannada uu maamulku ka arimiyo isku tashi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]