4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Carabeey ‘’ Waan taageersanahay in dowladdu dhaqaalihii ka joojisay Galmudug

 

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey ayaa sheegay in shaqsi ahaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka soo dhaweynayaan go’aanka ay dowladda Soomaaliya uga joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in madaama hadda maamulka Galmudug uu labo garab u kala jabay dowladdu la gudboonaatay in ay joojiso gabi ahaanba lacagihii ay bixin jirtay ama siin jirtay maamulka ama haddiiba ay lacag bixineyso ay ku qasbanaan doonto in ay labada garab u kala qeybiso.

“Horta aniga Shaqsiyan waan taagersanahay in Galmudug lacagta laga joojyo,Galmudug Xaaf kaliya maahan,hadii kale dowladda waxaa u furay Saddex Go’aan in ay lacagta dowladda ku bixiso ama ay iska joojiso ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.”

Saddexda go’aan ee dowladda u furan ayuu ku sheegay In dowladdu lacag u kala qeybiso labada garab ee uu maamulku u kala jabay ama ay sameyso guddi dhax dhaxaad ah oo dhaqaalahaa ay dowladdu ku aaminto iyo qodobka saddexaad oo ah kan ay hadda dowladdu qaadatay ee ah in ay joojiso dhaqaalaha.

Waxa uu ka digay sida uu sheegay in lacago ay dowladda bixiso in loo adeegsado kicinta Bulsho laguna abaabulo maleeshiyo beeleedyo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulka, dhinaca kalana fara-galin ba’an wali heyso sida uu hadalka u dhigay habsami u socodka howlaha maamulka gobolleedka Galmudug, isaga oo ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada uu maamulku ka arimiyo isku tashi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]