4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Marso, 04, 2019 (HOL)-Labo ruux ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, labada qof ee la dilay mid ka mid ah ayaa aheyd haweeney naafo ah oo ku sugneyd goob gargaar lagu bixinayay.

Qof ka tirsanaa Ilaalada mid ka mid ah hotellada Muqdisho ayaa la sheegay in uu toogasho ku dilay qof dumar ah oo ka mid aheyd dad naafo ah oo loo qeybinayay deeq lacageed, sida ay warbaahinta u sheegeen goob joogayaal.

Qofka dilka geystay ayaa lagu waramayaa in uu rasaas ku furay goob ay ku isugu soo baxeen dadka gargaarka sugayay, waxaana rasaasta uu furay ay haleeshay haweeneyd ka mid aheyd dadkii goobta ku sugnaa.

Dhinaca kale Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu toogasho ku dilay mid ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Askariga iyo darawalka ayeey goobjoogayaal sheegeen in ay ku murmeen lacag askarigu uu weydiistay darawalka oo arintaa ka biyo diiday, taasoo keentay in uu toogasho ku dilo.

Dilalka ciidamada dowladda ay kula kacaan dadka rayid ah ayaa ku badan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw, waxaana dhowr jeer oo hore maxkamada ciidamada ka soo hor muuqda askar ka tirsan dowladda oo ku eedeysan in ay si beerar ah u dileen dad rayid ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]