3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Howlgalka xasillinta Gaalkacyo oo dad badan lagu xir xiray

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland oo saddexdii maalin ee u dambeysay howlgallo ka waday magaalada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay,iyadoo howlgalka inta uu socday lagu xiray ku dhawaad 60 ruux oo dhallinyaro u badan.

"Dhallinyaro is kooxeysatay oo dhibaato ku ahayd amniga Gaalkacyo ayaa la xir xiray, waxaana loo gudbin doona saldhigga Boosaaso". ayuu yiri taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland, ahna taliyaha xasillinta gobalka Mudug, Cismaan Xassan Cawke (Afdolow).

"Howlgalka waa soconaya inta xasillooni loogu soo dabaalayo Gaalkacyo". ayuu ku daray.

Sidoo kale, dhallinyarada iyo kooxaha dhaca iyo falalka amni darro ka geysta magaalada Gaalkacyo ayuu u digay "Ciddii isi soo dhibta oo la shaqeysa laamaha amniga,kana tanaasusha howlaha amniga lidiga ku ah waan cafinayna, ciddii kale ha isku diyaariso xabsiga Boosaaso". ayuu raaciyay taliye ku-xigeenka Booliska.

Howlgallada ayaa ka dambeeyay, kaddib markii magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen falal amniga liddi ku ah oo isugu jiray, dil ,kufsi iyo dhac, iyadoo dadka deegaanka ay ku baaqayaan in muhiimad gaarka ah uu maamulku siiyo amniga Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
3/4/2019 12:23 PM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey ayaa sheegay in shaqsi ahaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka soo dhaweynayaan go’aanka ay dowladda Soomaaliya uga joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulka Galmudug.

3/4/2019 10:38 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Barasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan deegaanada hoos yimaada aanay haysan biyo ku filan, waxaanu hay’adaha gargaarka ka codsaday inay degdeg usoo gaadhsiiyaan biyo.

3/4/2019 7:26 AM EST
Axad, Marso, 04, 2019 (HOL)-Labo ruux ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, labada qof ee la dilay mid ka mid ah ayaa aheyd haweeney naafo ah oo ku sugneyd goob gargaar lagu bixinayay.

3/4/2019 7:14 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaan xoog leh oo axaddi dharbaaxday gobolka Alabama ee koofurta dalka Mareykanka.

3/4/2019 2:46 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saakay booqday Isbitaalka Madiina, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii habeenkii Khamiista ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

3/4/2019 1:36 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii.

3/4/2019 1:18 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)-Axmed Cumar Sahal oo ah Nin dhalinyaro ah oo degan degmada Cadado ayaa warbaahinta iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi uu soo bandhiga Axadii shalay diyaarad yar oo nooca dagaal ah oo uu gacantiisa ku farsameeyay.

3/4/2019 1:02 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa oo bandhigay saddex dhalinyaro ah oo Al-shabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee degmooyinka Waajir iyo Dharkeenley gobolka Banaadir.

3/4/2019 12:43 AM EST
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Rag hubeysan ayaa saakay ku dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne sarkaal ka tirsanaa militariga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad.