4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Dowladda oo soo bandhigtay saddex dhalinyaro ah oo Al-shabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan

 

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa oo bandhigay saddex dhalinyaro ah oo Al-shabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley gobolka Banaadir.

Saddexda dhalinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa labo ka mid ah waxaa ay sheegeen in ay u qaabilsanaayeen dilal qorsheysan, halka kan saddexaadna uu ahaa shaqsiga u soo gudbiya labada dhalinyarada ah hubka loo adeegsado dilalka.

Dhalinyaradan ayaa sheegay in ay sheegay in xiliga la soo qabtay ku howlanaayeen qorshe dil ah oo la doonayay in lagu fuliyo sida ay hadalka u dhigeen Gabar ka mid aheyd ergadii soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka, laakiin hadda ka mid ah ganacsatada Khaadka ku iibisa magaalada Muqdisho.

Qaarkood mudo dhowr sano ah ayay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,sidoo kalena dilal qorsheysan ay ka fuliyeen Suuqa degmada Wadajir iyo Xaafadaha ku dhow Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.

Dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayeey ka dalbadeen ila cafiiyo, madaama sida ay hadalka u dhigeen muddo dheer ka shaqeynayeen dhibaateynta shacab aan waxba galabsan. 

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada Goblka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax oo Goobta ku sugnaa ayaa ciidamada amniga uga mahad celiyey soo qabashada raggaas,waxaana uu sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka sareeyey ee soo abaabuli jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]