4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo goor dhaw Beledweyne lagu dilay

 

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Rag hubeysan ayaa saakay ku dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne sarkaal ka tirsanaa militariga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad.

Sarkaalkan ayaa ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu hadda la shaqeynayay isla ciidamada militariga ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Xiligan dilkiisu uu dhacay ayaa la sheegay in sarkaalkan uu ka soo baxay gurigiisa, waxaana meydkiisa goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ragga toogashada geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana uu dilkan imanaya xili howlgal ballaaran ciidamadu ay ka wadeen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beleweyne oo inta bada ay ka dhacaan dilalka qorsheysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]