4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Waa sidee xaalada Muqdisho kaddib amarkii xalay ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)-Gaadiidka dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay caadi u shaqeynayay, kaddib amarkii xalay ka soo baxay duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow  oo ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay magaalada.

Dadka reer Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba wajahayay ciriiri dhinaca isku socodka ah ayaa filayay saakay in aysan jirin doonin wax gaadiid ah oo ka shaqeynaya magaalada Muqdisho, madaama guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in ay bilaabanayaan howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo Amniga maamulkana u diyaariyay dadweynaha Basaas soo qaada dadka inta ay howlgaladu socdaan.

Isgoys-yada muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya oo baaritaanno xooggan ku haya gaadiidka isaga kala goosha magaalada gudaheeda.

Marka laga soo tago amarka xalay ka soo baxay duqa Muqdisho ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah ay soo saareen saraakiisha hay’addaha Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu dhaliilayaa in ay ku guuldareystay wax ka qabashada nabad-galyada magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay si is daba joog ah uga dhacayeen qaraxyo galaaftay nolasha mas’uuliyiin dowladdeed iyo dad shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]