4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Dab saakay qabsaday goobo ganacsi oo ku yaala degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Guri-ceel gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dab xoogan uu saakay ka kacay kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taala degmada.

Dabkan oo subaxnimadii hore ee saakay kacay ayaa lagu soo waramayaa in uu ku fidiyo goobo ganacsi oo ka baxsan halka uu markii hore ka kacay, waxaana soconaya gurmad xoog leh oo maamulka iyo dadka degmadu doonayaan in ay ku baqtiiyaan dabka.

Dabka ayaa u muuqda in uu geystay khasaare hnatiyeed, wallow wali uu socdo gurmadka la doonayo in lagu damiyo.

Lama oga sababta dabka dhalisay, hasse ahaatee halka uu ka kacay ayaa ah kaalin shidaalka lagu iibiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]