Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Zuzana Cputova
oo u ololeysa ka hortagga musuqmasuqa ayaa ku guuleystay doorashada
madaxweynanimada, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo dalkaasi
madaxweyne ka noqota.
Ms Caputova, oo aan habayaraatee khibrad u lahayn siyaasadda ayaa si la yaab
leh uga guuleysatay dibloomaasiga caanka ah Ms Maros Sefcovic oo u sharraxnaa
xisbiga talada dalkaasi haya, waxayna Ms Caputova guusha ku raacday wareegga labad
ee cod bixinta.
Ololaheeda doorashada ayaa waxay u qaabeysay inuu tartanka uu dhex marayo
Xumaan iyo Samaan.
Doorashada dalkaasi ayaa imaneysa xilli ay sanad ka soo wareegtay dilkii loo
geystay wariyaha caanka ahaa ee Jan Kuciak oo lagu yaqaanno inuu baaritaanno
qoto dheer uu ku sameeyo xiriirka ka dhaxeeyo siyaasiyiinta iyo dilalka
qorsheysan ee ka dhaca dalka Slovakia.
Ms Caputova waxay sheegtay dilka Mr Kuciak iney ku kalliftay iney go'aansato
iney doorashada madaxweynaha ka qayb gasho, oo inta badan doorkiisu yahay mid
sharafeed oo aan awood badan lahayn.
Dadki codadkooda ka dhiibtay doorashad dalkaasi 58% waxay codkooda siiyeen
Ms Caputova halka Mr Sefcovic uu helay 42%.
Waxayna Ms Caputova oo sharci yaqaan ah ay ku soo caan baxday marki ay hoggamisay
dcwad ka dhan ah dowladda oo muddo 14 sano soo socotay.
Haweeneydan hadda loo doortay madaxweynaha dalka Slovakia oo 45 jir ah waxay
dhashay laba carruur ah iyada oo ka tirsan xisbiga liberal Progressive Slovakia
party.
Xigasho BBC