4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay amniga Boosaaso


Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballanqaaday inay xal u raadin doonaan xaaladda amni ee magaalada Boosaaso,kaddib markii uu maanta halkaas gaaray.

"Waxaan balanqaadaynaa inaan si adag uga hortegayno dadka doonayo inay dadkeena dhibaateeyaan ee nolosheena wax u dhibaya, waxaan rajaynayaa Boosaaso iyo guud ahaan Puntland inay kusoo noqoto nabaddii lagu naaloonjirey ee caanka ku ahayd, oo burburkii hoyga u noqotay ummad Soomaaliyeed oo tiro badan". ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo inta ku daray "Waxaan gacan furan kusoo dhoweynaynaa cid kasta oo danaynaysa inay ku noolaadaan Puntland kuna siyaadinaysa horurmar".

Dhinaca kalana, wuxuu madaxweynaha la kulmay Isimmada gobolka Bari,iyadoo kulanka uu  daaranaa soo dhoweyn iyo is-xog wareysi guud waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso qaar kamid ah Goleyaasha xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

"Waxaan diyaar u nahay ani iyo golaha xukuumaddaba iyo Goleyaasha kale ee dowladdaba in Boosaaso ay ku soo noqoto Bardaqaasimtii kulmin jirtay cid walba oo nabadda iyo samaha jecel ". ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Socdaalka uu madaxweynaha Puntland ku gaaray magaalada Boosaaso ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo u tagayo magaalada dekedda leh, tan iyo doorashadii siddeeda bishii Jannaayo oo ah xilligii loo doortay xilka madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]