4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2019
Golaha wasiirrada oo ka hadlay amniga, warbixinna ka dhageysatay wasiirrada Amniga iyo Gaashandhigga

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shir aan Caadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda.

"Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in cadawga looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagaraha ay argagaxisadu maleegayso." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xafiiska ra'iisul wasaaraha uu uga hadlay shirka wasiirrada.

"Golaha ayaa isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed." ayuu ku daray qoraalka.

Shirkan ayaa ku soo aadday xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow uu shaaciyay in la xiri doono waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah howlgallo cusubna la billaabi doono.

Toddobaadkii u dambeeyay ayaa caasimadda Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, waxaana la ogeyn tallaabada amniga ee ay dowladda qaadday inay xal u noqon karto xaaladda ammaan ee Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]