4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo goor dhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalad deg deg ah oo lagu xaqiijinayo Amniga lagu soo rogay magaalada Muqdisho.

Yariisoow ayaa sheegay in maalmaha soo socda jiri doonaan howlgalo ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka sameyn doonaan dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada, sidaa daraadeed looga baahan yahay Shacabka Muqdisho in ay dulqaad u yeeshaan mudadaa ay socdaan howlgalada lagu xaqiijinayo nabad-galyada.

‘’Waxaan diyaarinay Basaas iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah oo u adeegi doona shacabka inta ay socdaan howlgalada, mas’uuliyada ugu weyn ee na saran in waa in aan mar walba ka fikirno nabad-galyada dadka Shacabka ah’’ ayuu yiri Yariisoow.

Hadalka Duqa Muqdisho ayaa u muuqda in maalmaha uu howlgalku socdo aan la ogolaan doonin dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, taasoo caqabad weyn ku noqon doonto dadweynaha Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku jahwareersanaa xirnaashaha waddooyinka joogta noqday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in amarkan uu ka soo baxay shirar Amniga la xiriira oo maalmihii ugu danbeeyayba ay la lahaayeen madaxda Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]