4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2019
Madaxweyne Muuse Biixi oo xilalkii ka qaaday masuuliyiin lagu eedeeyey Musuqmaasuq

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweyne Biixi ayaa xilalkii ka qaaday saddex masuul oo Hanti dhawrku ku eedeeyey musuqmaasuq, kuwaas oo baryahanba la sugayey in xil ka xayuubin lagu sameeyo.

Saddexdan masuul ayaa kala ah wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, wasiirka Gaashaandhiga Ciise Axmed Cabdalle iyo agaasimaha wasaarada Gaashaandhiga Jamaal Cabdilaahi Muxumed.

Saddexdan masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuq inay ku kaceen ayaa loo gudbiyey xeer ilaalinta qaranka, waxaanay xil ka qaadistani u muuqata in hanti dhawrku dalbaday in xilka laga qaado si maxkamada loo horgeeyo.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xilalkii ka qaaday masuuliyiin kale kuwaas oo kala ah:

Wasiir ku xigeenkii wasaarada Warfaafinta Maxamed Muuse Abees, agaasimihii guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdikariim Xuseen Siciid.

Wakiilkii Somaliland ku lahayd Imaaraadka Carabta Xasan Hirad Yaasiin, wakiil ku xigeenka xafiiska Kenya Ayaanle Salaad Diiriye.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu xilal cusub u magacaabay masuuliyiintan hoos ku qoran:

1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.