4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Siciid Deni: Ahmiyada koowaad waxaan siinaynaa ciidanka iyo amniga

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo socdaalkii ugu horreyay ku maraya deegaannada bariga ku yaalla ayaa sheegay inay ahmiyada koowaad siin doonan ciidanka iyo amniga.

"Waxaan ballan qaadayaa in dowladda ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo saddexaadba noqon doonto daryeelka ciidammada, sugidda amniga iyo horumarinta bulshada". ayuu yiri Siciid Deni.

Wuxuu inta ku daray in la xoojin doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha amniga wax u dhimaya, korna loo qaadi doono tababbarada iyo tayenta ciidanka amniga Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan sheegay xilli uu galinkii dambe ee Jimcihii shalay kula hadlayay degmada Carmo ee gobolka Bari ciidan ka tirsan kuwa amniga iyo dadweyne halkaa ku soo dhaweeyay.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]