4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Faah faahin ku saabsan isbadalka lagu sameeyay qaab dhismeedka taliska ciidamada xoogga dalka

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Wasaarradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa isbadal cusub ku sameeysay qaab dhismeedkii taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. iyadoo taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka loo magacaabay Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Abaanduulihii hore ee  ciidamada xoogga dalka Generaal General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada Lugta oo noqonaya mid ku cusub hoggaanka ciidanka militariga halka Abaanduulaha ciidanka Lugta loo magacaabay General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo ka mid ah hogaanka ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali  loogu magacaabay taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya.

Isbadalkan cusub ayaa imanaya xili dowladda Soomaaliya ay wajeyso culeys uga imanaya dhinaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba xaalada amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]