4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2019
Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo xildhibaanno Mooshin u gudbiyay guddoonka

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Waxaa maanta baaqday oo aan qabsoomin kulankii ugu horeeyay Kalfdhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka kaddib markii inta badan xildhibaannada ay soo xaadiri waayeen.

Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Mooshin ka dhan ah ajandihii maanta la filayay in kulanka looga hadlayo, iyaga oo dalbaday in ajandaha lagu soo darro xaalada Amniga dalka ee sii xumaanaya

Xildhibaannada ayaa sheegaya loo baahan yahay matalaad sax ah in ay muujiyaan xildhibaannada maanta la xasuuqayo sida ay hadalka u dhigeen Shacab Soomaaliyeed.

Xukuumadda ayeey ku sheegeen in ay tahay in lagula xisaabtamo arrimaha Amniga dalka Baarlamaanku -na ka guto waajibaadkiisa shaqo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

.