4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Ciidamo weerar ku qaaday xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan TV-ga ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana la maqlayo rasaas xoog leh oo ay siweydaarsanayaan ciidamada weerarka soo qaaday iyo ilaalada xarunta.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta weerarka loogu qaaday xarunta TV-ga Universal, hasse ahaatee ciidamada weerarka qaaday ayeey wararku sheegayaan in ay ka tirsan yihiin waaxda canshuuraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]