4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Al-shabaab oo fagaare ku toogtay saddex muwaadiniin Kenyaan ah

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa Arbacadii toddobaadkii hore meel fagaaro ah deegaan hoostaga degmada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay toogasho ku dileen saddex muwaadiniin Kenyaan ah oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka.

Saddexda ruux ee u dhashay dalka Kenya ee toogashada lagu dilay ayaa waxaa ka mid aheyd haweeney da ‘dhaxaad ah, sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay labo ruux oo Soomaali ah oo ku eedeysana basaasnimo.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogtaan dad ay ku tuhusan yihiin ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM iyo Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]