4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Nin Soomaali ah oo ku eedeysan dilka xaaskiisa oo la qabtay

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada City Heights  ee dalka Mareykanka horaantii bishan ayaa ciidanka Mareykanka ay kasoo qabteen dalka Panama sidda ay sheegeen ciidamada Booliska Magaalada San Diego.

Eedeysanahan ayaa la leeyahay waxaa uu xaaskiisa ku dhax dilay guri ay ka deganaayeen Mareykanka ka dibna waxaa la sheegay in uu u baxsaday dalka Panama si aan loo soo qaban.

Abdiaziz Kerow oo 45 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay dhimashada haweeney 36-sano jir aheyd oo lagu magacaabo Muna Salad Kuri oo aheyd Xaaskiisa.

 

Kerow ayaa marka uu xaaskiisa dilay ku qariyay meel ka mid ah guriga taasoo dadka ku adkaatay in meelmo badan la ogaado geerideeda.

Ehelada gabadha la dilay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Soo qabashadda ninkaan, islamakaana ay rajo ka qabaan in uu wajaho xukun adag. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]