4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Jidadka Muqdisho oo mar kale maanta xiran

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Toddobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa si is daba joog ah u xirnaa jidadka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dadka reer Muqdisho ayaa mar kale saakay ku waabariistay waddooyinka qaar oo laga celinayo isticmaalka gaadiidka dadweynaha, waxaana ka mid ah jidadka saakay xiran Isgoysyadda Tarabuunka, Soobe,Banaadir, Howlwadaag.

Dadka reer Muqdisho ayaa arintan cabasho ballaaran ka keenay iyaga oo wax lala yaabo ku tilmaamaya in si joogta ah loo kala xiro magaalada, madaama markii hore la arki jiray Labadii toddobaad ama toddoobaadkii –ba in mar kaliya loo xiro sababo la xiriira amaanka.

Sababta xirnaashaha jidadka Muqdisho ee saakay ayaa lagu sheegay in uu furmayo fadhiggii ugu horeeyay ee Kalfadhiggii shanaad ee Golaha Shacabka oo ku soo beegmay xili laga deyrinayo amniga magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]