4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulmaya

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhigga Shanaad ee dhawaan uu furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa kalfadhiggoodan Shanaad waxaa hor-yaalla Shaqooyin badan oo ay qeyb ka yihiin dardargalinta Shuruucda doorashooyinka iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha Shacabka kulanka ayaa waxaa warbixin loogu dhageysan doonaa guddiga dib u eegista dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan khudbad ka jeedinayay munaasabada furitaanka Kalfadhiga Shanaad ayaa ka dalbaday xukuumadda in ay deg deg u soo gudbiso sharciga Doorashooyinka Qaranka goluhu meel-mariyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]