3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Dhacdo Ugub ah oo loo dilay wiil 8 sano jir ah gobolka Shabeellaha dhexe

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Dadka deegaanka Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhigay dibadbax rabashado watay oo ay uga soo horjeedeen dilka wiil yar oo 8 sano jir ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Wararka ka imanaya deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegaya in Ilmahan yar meydkiisa laga helay wabiga kaddib markii sida la sheegay uu toorey ku dilay Aabihii oo ka carooday hilib uu wiilkiisa ka soo cunay guriga dad ay ehel ahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meydka wiilkan yar oo ka xirxiran lugaha iyo gacmaha laga helay wabiga, waxaana uu intaa ku daray in Aabihii uu ka mid yahay farqida Takfiirka oo ah koox diimeed aan raashinka iyo guud ahaanba cunnada la wadaagin dadka intiisa kale.

“Wiilkan ayaa la dilay kadib markii uu cunto ka soo cunay guriga ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay.”ayuu sii raaciyay Cali Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadley.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Masjid ay ku cibaadeystaan firqada Takfiirka ee deegaanka ku dhaqan, iyaga oo falkaa uga jawaabaya dilka loo geystay wiilka yar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka degmada Balcad oo la xiriira dhacdadan la sheegay in uu ku dhintay Ilmaha yar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
3/3/2019 11:51 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta waxay socdaal ku gaadheen Gobolka Erar gaar ahaan Degmada Fiiq.

3/3/2019 10:50 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta daahfurey barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE bulshada la galay waqtiyadii ololaha.

3/3/2019 10:25 AM EST
Axad, Marso 03, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir.

3/3/2019 9:52 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Agaasimaha cusub ee Telefishanka qaranka Somaliland ayaa loo magcaabay Ruug-cadaaga weyn ee Maxamed Cali Weji oo muddo ka badan konton sanno bahda warbaahinta ku jiray.

3/3/2019 8:28 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

3/3/2019 8:18 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Etirea.

3/3/2019 6:21 AM EST
Axad, Marso 03, 2019 (HOL)- Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dib ugu celisay dalkoodii illaa 2,000 oo soo galooti Itoobiyan ah,sida laga soo xigtay guddiga qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Puntland.

3/3/2019 5:33 AM EST
Axad, Marso 03, 2019 (HOL)-War ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug ayaa looga hadlayxiisada ka dhalatay ciidamada ka tirsan NISA ee xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Cadaado.

3/3/2019 5:28 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maant u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shir hal maalin dhacaya.

3/3/2019 3:25 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Hoggaamiyihii kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib uga soo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay.

3/3/2019 1:17 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka wada magaalada Beledweyne howlgal iyo baaritaanno guri guri ah oo dhamaanba ka socda xaafaddaha magaalladu ka kooban tahay.

3/3/2019 12:54 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Jordan ayaa ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaa soo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi caasimada Cammaan oo ah Magaalada madaxda dalka Jordan.

3/3/2019 12:43 AM EST
Axad, Marso, 03, 2019 (HOL) – Agaasimaha madaxtooyada maamul gobolleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa sheegay in dowladda federaalka sida uu hadalka u dhigay fara-galin ku ba’an ku heyso maamulka Galmudug, kaddib markii xalay ciidamo la wareegeen madaxtooyada maamulka.