4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo gaaray magaalada Fiiq


Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta waxay socdaal ku gaadheen Gobolka Erar gaar ahaan Degmada Fiiq.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Fiiq iyadoo shacabka magaaladuna ay wajiyadooda ka muuqatay farxadda ay u qabaan imaatinka Madaxwaynahooda.

Haddaba inta uu madaxwayne Mustafe ku sugan yahay magaalada Fiiq ayaa waxaa uu u kuurgali doonaa xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka magaaladu, isagoo kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Fiiq.

Socdaalkan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa ah ee uu madaxwaynuhu ku tago magaalada Fiiq tan iyo intii uu xilka madaxtinimada qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]