4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Madaxweyne Biixi oo maanta daahfurey barnaamijka Carbiska dhallinyaradda ee shaqo Qaran


Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta daahfurey barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE bulshada la galay waqtiyadii ololaha.

Munaasibadda Daah-furka barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay deegaanka Darar-weyne oo hangarro waaweyn oo qalabaysan looga dhisay dhallinyarada barnaamijkan ku guulaysatay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne Biixi, shir-guddoonka golaha wakiillada, saddex kamid ah madaxweyne ku xigeenadii dalka soo maray, hoggaanka axsaabta qaranka, talliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka jaamacadda Hargeysa, xubno kamid ah golaha wasiirrada, safiirka dalka jabuuti u fadhiya Somaliland, dhallinyarada ku gudo jirta barnaamijka carbiska ah ee shaqo qaran.

madaxweynuhu waxa uu kormeeray hangarrada jiifka, cuntada iyo kuwa waxbarashada ee xukuumaddu u diyaarisay dhallinyarada ku jirta barnaamijka carbiska shaqo qaran, halkaas oo lagu diyaariyey dhammaanba wixii ay u baahnaayeen muddada ay halkaasi ku jiri doonaan.

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin), ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu barnaamijkani soo maray iyo sida ay uga fikireen sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka fog loo aayo oo midho wanaagsani kasoo bixi karaan,waxana uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo taariikhda qaranka kamid noqotay oo ay inoo hirgashay himilo uu madaxweynaheennu horseed inoogu ahaa oo aynnu hananay hammigii fogaa, soona noolaysay curfigii ahaa maxaad taqaan oo saaxadda ka saaray ayaad taqaan. Waa maalin aynnu haloosiyeyno hayaanka horumarka dhallinyarteenna.”

Waxaanu intaas ku daray “Barnaamujka shaqo qaran waxa uu ka dhashay hindisihii iyo hal-abuurkii madaxweynaha ee ku aaddanaa horumarinta iyo jihaynta dhallinyarada Somaliland, taas ayuuna kaga mid noqday himilooyinkii ugu mudnaa ee uu xisbiga KULMIYE u ballan-qaaday dhallinta Somaliland xilligii doorashada,”

Taliyaha ciidamada Militeriga, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo munaasibadda ka hadlay, ayaa da’yarta barnaamijka carbiska shaqo qaran ku dhiirrigeliyey inay ka midho dhaliyaan dedaalka iyo waqtiga la geliyey, isla markaana lafahooda iyo qarankoodaba uga faa’iideeyaan.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa taageeray barnaamijka shaqo qaran ee lagu carbinayo dhallinyarada jaamacadaha dalka kasoo baxday, waxana uu dhallinyarada barnaamijka ku jirta kula dardaarmay inay maanka ku hayaan abaalka iyo dedaalka uu qaranku geliyey, una dhabar -adaygaan caqabadaha kaga yimaadda ka midho dhallinta hammigooda.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa barnaamijka shaqo qaran ku tilmaamay tallaabo da’yarta faa’iido badan u leh, kana baajin karta tahriibkii iyo niyadjabkii soo wajihi jirey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u garab taagan yihiin hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho-dhalintiisaba.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey mashruuca shaqo qaran ee da’yarta dalka looga faa’iidaynayo, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay u samraan muddada uu tababarku socdo oo aanay dhib u arkin.

Madaxweyne Biixi oo soo soo gabogabeeyey xafladda ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qaybgashay hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho dhalintiisa, isaga oo guul ku tilmaamay inuu mashruucani hirgalay iyada oo aanay jirin gacan dibadeed oo ina caawisay, isla markaana uu tusaale wanaagsan u yahay in isu-tagga bulshada lagu gaadhi karo guulo waaweyn oo taariikhi ah.

Madaxweynuhu oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi “Qorshaheennu waa inuu barnaamijkani noqdo mid waligii jira oo qaranku ka dhismo oo uu noqdo mid qaranka la socda oo aannu noqonin mid halkaas ku ekaada oo hoggaaminta dalka iyo ragga siyaasadda hoggaamin doonaa ka dhismaan oo ay diblomaasiyiintu ka dhismaan oo ay hablaha dhakhtarrada ah ee ugu waaweyni ka dhismaan, taasina waxa ay ku imanaysaa qaranka oo dhan oo iska kaashada oo la arko muhiimadda uu leeyahay,”

“Waxad halkan ku baranaysaan oo la doonayaa inaad erayga ah ANIGA ka baxdaan oo aad ku beddeshaan INNAGA, markaas uun baynu wax noqon karnaa, markaad innaga tihaahdaana waxay noqonaysaa inaad mar walba eegto maxaad ummadda u qabataa.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ujeeddada barnaamijka carbiska shaqo qaran laga leeyahay ayaa waxa kamid ah, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo kor u qaaddida dhaqanka mutadawacnimada iyo iskafaalo-qaadka bulsheed , sugidda caddaaladda iyo u sinnaanta bulshada ee fursadaha shaqada, tababarka iyo shaqo-gelidda, waxana loogu talo galay dhallinyarada muwaadiniinta ah ee kasoo qalinjabisa jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda, ka qaybgalkiisuna waa ikhtiyaari.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland