4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Maxamed Cali Waji oo loo magacaabay Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Agaasimaha cusub ee Telefishanka qaranka Somaliland ayaa loo magcaabay Ruug-cadaaga weyn ee Maxamed Cali Weji oo muddo ka badan konton sanno bahda warbaahinta ku jiray.

Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii Telefishanka qaranka Muuse Jaambiir, waxaana lagu bedelay Maxamed Cali Waji oo ah suxufi muddo dheer aan marna wax xil ah loo magacaabin, taas ayaa keentay in bahda saxaafaddu si weyn usoo dhoweyso.

Maxamed Cali Weji oo madal dood ahayd ka hadlaya sababta marna xil loogu magacaabi waayey waxa uu yidhi " 50 sanno ayaan Suxufi ahaa, ma jirin cid iga cod wanaagsan iyo cid iga karti badan hadana weligay Xil la iima magacaabin oo maan dalicin, dhalinyaro nimadaydii halkaan taagnaa ayaan weli taagnahay, wax kalena la iiguma diidin, la igamana aqoon badnayne ee waxa la igaga badiyey waa nidaamka u xun ee qabyaaladda”

Maxamed Cali Waji ayaa ah suxufi mihnada ku jiray muddo dheer, isla markaana barmaajyo xiiso leh ku leh Idaacadda Radio Hargeysa.

Suxufi Maxamed Cali Waji wuxuu ka mid yahay golaha Abwaanadda Somaliland,isla markaana waxay hore u xaliyeen khilaaf soo kala dhexgallay saddexda xisbi oo ay goob kaliya iskugu keeneen gudoomiyeyaasha saddexda xisbi, waxaanay kolba ka hadlaan xaaladda taagan iyo sidii looga bixi lahaa khilaafaadka yimaadda..

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.