4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Britain

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii dhawaan ka dhacay Magalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]