4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Puntland: 2,000 oo soogalooti Itoobiyan ah oo dalkoodii lagu celiyay

Axad, Marso 03, 2019 (HOL)- Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dib ugu celisay dalkoodii illaa 2,000 oo soo galooti Itoobiyan ah,sida laga soo xigtay guddiga qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Puntland.

Dadkan ayaa inta badan laga aruuriyay xaafadaha magaalada Boosaaso oo ay ku badanyihiin soo galootiga Itoobiyanka ah, halka qaar kalana la qabtay xilli ay doonayeen inay galaan Boosaaso.

Puntland wali faahfaahin kama bixin sababaha soo galootiga Itoobiyanka ah dalkooda loogu celinayo,iyadoo tirada labada kun ah ee dib loo celiyay ay ka dhigantahay tiradii ugu badneyd ee Puntland ku celiso Itoobiya.

Boqollaal Itoobiyan ah ayaa la aaminsanyahay inay sannad walba soo gaaran Puntland, kuwaas oo inta badan isku daya inay hab tahriib ah ugu gudbaan dalka Yemen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]