4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre oo u anbabaxay dalka Switzerland

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maant u ambabaxay magaalada Geneva ee  dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shir hal maalin dhacaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya shirar looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada, isagoo khudbad ka jeedin doono.

Socdaalka ra'iisal wasaaraha uu maanta ugu anbabaxay dalka Switzerland ayaa imanaya  xili maalintii shalay madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada, kuwaa oo ku dhacay qaar ka mid ah xarumaha Wasaarraddaha Xukuumadda iyo weerarraddii cuslaa ee Al-shabaab ay ka geysteen waddada Maka Al-Mukarama.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]