4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal iyo baaritaanno ka wada magaalada Beledweyne

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka wada magaalada Beledweyne howlgal iyo baaritaanno guri guri ah oo dhamaanba ka socda xaafaddaha magaalladu ka kooban tahay.

Gaar ahaan howlgalkan ayaa ka soconaya xaafadda Howl-wadaag oo inta badan ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee lagula kaco askarta dowlada.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo nabad-galyada magaalada oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen falal amniga ka dhan ah.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii labo Askari ku dhawacmeen qarax ka dhashay miino la dhigay ilinka hore guriga uu magaalada ka degan yahay taliyaha ciidamada Asluubta gobolka Hiiraan Col Maxamed Cali Macow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]