4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Guddoomiye Mursal oo shir uga qeyb galay dalka Jordan

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Jordan ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaa soo hor u dhac u ah shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada carabta oo ka furmi caasimada Cammaan oo ah magaalada madaxda dalka Jordan.

Kulanka ayaa madaxda midowga Baarlamaanada Carabta waxaa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha dalalka guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaannada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Wax-yaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka dalalka Carabta, sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU, waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu  qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona magaaladda Cammaan ee caasimada dalka Jordan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]