4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2019
Galmudug oo faah faahin ka bixisay ciidamo la wareegay madaxtooyada Cadaado

 

Axad, Marso, 03, 2019 (HOL) – Agaasimaha madaxtooyada maamul gobolleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa sheegay in dowladda federaalka sida uu hadalka u dhigay fara-galin ku ba’an ku heyso maamulka Galmudug, kaddib markii xalay ciidamo la wareegeen madaxtooyada maamulka.

Agaasimaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xilligan ay nasiibdarro tahay in iyada oo dowladda Federaalka ay sugi weysay amniga Muqdisho in ay weerar ku soo qaado Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in maamulka Galmudug uu amar ku siinayo ciidamada Daraawiishta, iyaga oo fulinaya amarka madaxweynaha Galmudug ay ka feejignaadaan wax-yaabah adowladda federaalka ka wado deegaanada Galmudug, sidoo kale-na aan loo dul qaadan doonin.

Xalay ayay aheyd markii ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa NISA la xarunta Baarlamaanka Galmudug ee ku taalla magaalada Cadaado, waxaana arrintaan ay timid kadib markii dhawaan Madaxweyne Xaaf uu sheegay in dowladda Federaalka ay damacsan tahay in ay ku soo weerarro Ciidamada ku sugan deegaanada Galmudug.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira eedeynta loo jeediyay.

Magaalada Cadaado waxaa ay xarun u tahay garabkii ka go’ay Galmudug inteeda kale kuwaa sanadkii hore halkaa ku doortay madaxweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]