4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Amniga magaalada Jigjiga oo aad loo adkeeyay

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) - Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo dhammaan waddooyinka iyo masaajidda lasoo buux dhaafiyay Ciidamada amniga sida booliska gaarka ah iyo booliska caadiga ah.

Arrintan ayaa sabab looga dhigayaa iyadoo laga cabsi qabo banaan bax ay dadku sameeyaan taas oo lagaga soo horjeedo xadhiga siyaasiyiintii dhawaan la xidhay ee Khadar Jigre iyo Axmed nuur saahid oo wali xabsiga ku jira.

Degaanka ayaa wali wax banaan bax ahi ka dhicin tan iyo intii xukuumaddii hore ay daaqadda ka baxday taa oo lagu eedayn jiray inay dadku xorriyad u haysan inay fikirkooda cabbiraan, balse haatan aysan wali jirin wax iska badalay taas.

Dhanka dawladda iyo ciidamada amniga ee degaanka waxaa ka go'an sugidda amniga iyo xasiloonidda degaanka, iyadoo looga shakisan yahay inay banaan baxyada kusoo gabadaan dad u jeedadoodu tahay inay dhac, boob iyo rabshad bilaabaan waa siday hadalka u dhigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]