4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Turkiga oo iska diiday cadaadiska Mareykanka

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadlo lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xiriir dhow la yeesho madaxweyne Vladimir Putin.

Sarakaiisha Mareykanka ayaa uga digay Turkiga inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.

“Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaarsiin lahaa” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.

“Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yiri Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]