3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Diiwaangalinta ciidamo ka tirsan dowladda oo ka socta Muqdisho


Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socdaan Diiwaan gelinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si loo dardar galiyo diiwaan gelinta Ciidanka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada qalabka sida iyo Waaxyaha Amniga,taasi oo uu xusay in ay tahay mid lagu gaari karo Mustaqbal wanaagsan.

“ Maanta Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargalin ku wada diiwaangelinta xubno ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena, si aan ugu adeegno dalkeenna” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa tilmaamay in Hannaanka diiwaan gelinta Ciidamada uu yahay dadaal wadajireed oo ay hoggaaminayaan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaarado kala duwan.

“Hannaanka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Si wadajir ah waa innaa ugu adeegnaa dadkeena” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/29/2019 1:47 PM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) - Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo dhammaan waddooyinka iyo masaajidda lasoo buux dhaafiyay Ciidamada amniga sida booliska gaarka ah iyo booliska caadiga ah.

3/29/2019 10:02 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadlo lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

3/29/2019 7:27 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)– Waddada bartamaha degmada Burtinle ayaa dib u dhiskii ugu horreyay lagu billaabay,taas oo aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/29/2019 6:54 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.

3/29/2019 3:19 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Sacuudiga ayaa si ku meel gaar ah u sii daayay saddex dumar ah oo xuquuqda aadanaha u dooda ku waas oo ku eedaysan dacwado la xiriira u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo in ay xiriir la sameeyeen ajaaniib.

3/29/2019 1:46 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–War-saxaafaddeed ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu sheegay sharuudo dhowr ah oo ka horeeya wada hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib kulan Dhuusa-Mareeb ku dhaxmaray Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug.

3/29/2019 1:35 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Axmed Buux ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro shir dhawaan la filayo in magaalada Garoowe ku yeelan doonaan guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka.

3/29/2019 12:56 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–Laga soo bilaabo Sabtidii toddobaadkan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ugu yaraan 15 Qarax oo galaaftay nolasha dad isugu jiray mas’uuliyiin dowladdeed iyo Shacab.