4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Shirkadda Kebarco oo billowday dhismaha waddada laamiga bartamaha degmada Burtinle

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)– Waddada bartamaha degmada Burtinle ayaa dib u dhiskii ugu horreyay lagu billaabay,taas oo  aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waddada oo laami la saarayo ayaa ku dhismaysa iskutashi bulshada deegaanka oo gacan ka helaya shirkadda dhiseysa ee Kebarco oo ah shirkadda gacanta ku haysa inta badan waddooyinka iskutashiga ku dhismaya ee Puntland, gaar ahaanna gobollada Mudug iyo Nugaal.

"Waxaan u aragnaa riyo weyn,waayo waddadaan waxay muhiim u tahay isku socodka gobollada dalka,lagumana sameyn wax dayactir ah muddo ka badan 30 sanno". ayuu yiri guddoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Axmed.

Guddi gaar ah oo ku howlan dhismaha waddada ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan ganacsatada iyo qurbajoogta, oo ay ka dalbadeen inay ka qaybqaatan dhismaha waddada.

Waxaa kalo guddiga ay baaq u direen xukuumadda Puntland iyo hay'adaha kale ee horumarka ka shaqeeya inay door ku yeeshan dhismaha waddada oo ku dhismaysa isku-tashi.

Guddiga iyo maamulka degmada ayaa dhanka kale u mahadceliyay shirkadda Kebarco ,iyadoo mas'uuliyiinta shirkadda oo ah mid ay Soomaali leeday ay sheegeen inay diyaar u yihiin siddii loo gaari lahaa dhammeystirka waddada bartamaha ee degmada Burtinle.

Barnaamijiyada iskutashiga ee lagu dhisayo mashaariicda adeegga bulshada oo ay waddooyinka ugu horreeyaan ayaa ka socda deegaannada Puntland, waxaana loo arka iskutashiga bulshada inuu wax weyn u tari doono adeegyada bulshada ee u baahan dib u dhiska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]