4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Weerar ka dhacay Masjid ku yaala magaalada London

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.

Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee bartamaha London.

Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xiray labo qof oo masaajidka ku sugnaa

Balse booliiska ayaa sheegay in aysan jirin cid loo xiray falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xiriira arrimo argagixiso.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dul meereysanayay masaajidka, iyada oo dusha laga eegayay qofkii meesha ka baxsaday.

Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay Christchurch.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]