4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Sacuudiga oo si ku meel gaar ah u sii daayay dumar

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Sacuudiga ayaa si ku meel gaar ah u sii daayay saddex dumar ah oo xuquuqda aadanaha u dooda ku waas oo ku eedaysan dacwado la xiriira u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo in ay xiriir la sameeyeen ajaaniib.

Labo ilood ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la sii daayay saddex dumar ah isla markaasna kuwo kale la sii dayn doono Axadda.

Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International iyo Hay'adda kale ee xuquuqda Sacuudiga u dooda ee ALQST oo fadhigeedu yahay UK ayaa magacyada dumarka la siidaayay ku sheegay Eman al-Nafjan, Aziza al-Yousef iyo Roqaya al-Mohareb.

Warbaahinta dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aan si rasmi ah loo sii dayn.

Saddexdan dumarka ah ayaa ka mid ah 11 haween ah oo maxkamadayn ku socoto ka dib markii lagu eedeeyay dacwado ay ku mutaysan karaan shan sano oo xabsi ah.

Lynn Maalouf oo ka tirsan hay'adda Amnesty ayaa soo dhawaysay sii daynta balse waxay sheegtay in aan loo baahnayn in sii daynta laga dhigo ku meelgaar.

"Xabsi baa la dhigay, dadkii ay jeclaayeen ayaa laga xayiray, waa la jir dilay waana loo hanjabay intaas oo dhanna waxay ku mutaysteen in ay xuquuqda dumarka u hadleen dareenkoodana aysan qarin," ayay tiri.

"Amnesty International waxay Sacuudiga ugu baaqaysaa in ay meesha ka saarto dhammaan dacwadaha lagu soo oogay iyaga iyo dumarka kale ee xuquuqda aadanaha u istaagay, kuwaas oo ay tahay dhammaantood sida ugu dhakhso badan loo sii daayo."

Xigasho BBC