4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Shir magaalada Garoowe dhawaan uga furmaya guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad gobolleedyada

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Axmed Buux ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro shir dhawaan la filayo in magaalada Garoowe ku yeelan doonaan guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka.

Wuxuu sheegay in shirkan uu noqon doono mid xog is dhaafsi iyo aqoon korarsi u badnaan doona, madaama ayuu yiri lagu kala gadisan yahay qibrada iyo mudada Baarlamaannadu soo dhisnaayeen.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkani uu noqon doono mid looga tashanayo tababarada Xildhibaanada iyo Shaqaalahooda, is-xogwareysi ku aadan baahiyaha ay qabaan Xildhibaanada federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

‘’Shirkan kii ka horeeyay waxaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kan xigana waxaa leysku raacay in uu ka furmo magaalada Garoowe ka hor bisha Ramadaan’’ ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Wuxuu ugu danbeyntii sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid wax weyn taraya isku xirnaanta iyo wada shaqeynta baarlamaannada dowlad gobolleedyada iyo kan guud ee federaalka iyo dhinac walba uu ku biiriyo dhinaca kale qibradiisa shaqo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]