3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2019
Dowladda Soomaaliya oo wajaheysa culeys dhinaca Amniga ah

 

Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–Laga soo bilaabo Sabtidii toddobaadkan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ugu yaraan 15 Qarax oo galaaftay nolasha dad isugu jiray mas’uuliyiin dowladdeed iyo Shacab.

Qaraxii ugu dhimashada badnaa shalay ayuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo kuna taala waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, waxaana qaraxaasi ku nafwaayay dad ku dhaw 20 ruux.

Sidoo kale Sabtidii toddobaadkan Qaraxyo is xigxigay oo ay Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay dad u badnaa shaqaale dowladdeed oo uu ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla.

Inkastoo dadka reer Muqdisho dhagahoodu ku cusbeyn maqalka Qarax-yada ayeey haddana kuwani noqdeen Musalsal aan dhamaad laheyn oo walwal iyo baqdin weyn ku ah dadka ku dhaqan magaalada oo ay u dheer-tahay digniinno la xiriira qaraxyo kale oo hor leh oo laga yaabo in ay dhacaan.

Dadka sida weyn ugu dhuun-daloola arrimaha Amniga ayaa qaba in Al-shabaab hadda awoodoodii isugu keeneen magaalada Muqdisho iyaga oo ka soo firxanaya duqeymaha iyo weerarrada joogtada ah ee diyaradaha Mareykanku ku hayaan.

Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn culeysyo uga imanaya dowladda dhinaca ciidamada qalabka sida oo waayadii ugu danbeeyayba si is daba joog ah uga soo baxayay furmaha dagaalka iyo deegaannadii ay gacanta ku hayeen iyaga oo cabanaya mushaar la’aan.

Qaraxyadan ugu danbeeyayna waxaa ay dhacayaan xili dowladdu mashquul ku tahay sidii ay maaro ugu heli laheyd nabad-galyada gudaha gaar ahaan magaalada Muqdisho oo isgoys walba aad ku arkeyso ciidamo taagan oo baaraya gaadiidka isticmaalaya iyo sidoo kale isbaddal lagu sameeyay taliyeyaashii ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Ujeeddada loo baddalay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii wax looga qaban lahaa habcsanaan dhinaca amaanka ah.

Arrimahan oo is biirsaday waxaa ay keeneen in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo siweyn loogu dhaliilo in ay ka soo bixin weyday ballanqaadkeedii ahaa in wax badan laga qaban doono nabad-galyada.

Xisbiyada mucaaradka qaarkood oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in la joogo waqtiggii madaxda Qaranku dib u soo celin lahaayeen amaannadii loo dhiibay oo ay Xisbiyadu u arkayaan in dowladdu ku fashalintay.

Laakiin haddana dhinaca kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu jeediyay maalin ka hor ku sheegay in muddadii labada sano aheyd oo ay jirtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay wax badan laga qabtay dhinac nabad-galyada marka la barbar dhigo dowladdihii isaga ka horeeyay.

Sikastaba Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-kii waxaa ay hadda u muuqdaan kuwo awoodoodii isugu keenay mar kale magaalada Muqdisho iyaga oo diirrada saaraya weerarro qorsheysan oo u badan Qaraxyo iyo kuwa toos ah oo lagu bartilmaameedsanayo dhismayaal iyo xarumo dowladdeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/29/2019 1:47 PM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) - Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo dhammaan waddooyinka iyo masaajidda lasoo buux dhaafiyay Ciidamada amniga sida booliska gaarka ah iyo booliska caadiga ah.

3/29/2019 10:02 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadlo lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

3/29/2019 8:10 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socdaan Diiwaan gelinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si loo dardar galiyo diiwaan gelinta Ciidanka.

3/29/2019 7:27 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)– Waddada bartamaha degmada Burtinle ayaa dib u dhiskii ugu horreyay lagu billaabay,taas oo aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/29/2019 6:54 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.

3/29/2019 3:19 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Sacuudiga ayaa si ku meel gaar ah u sii daayay saddex dumar ah oo xuquuqda aadanaha u dooda ku waas oo ku eedaysan dacwado la xiriira u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo in ay xiriir la sameeyeen ajaaniib.

3/29/2019 1:46 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–War-saxaafaddeed ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu sheegay sharuudo dhowr ah oo ka horeeya wada hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib kulan Dhuusa-Mareeb ku dhaxmaray Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug.

3/29/2019 1:35 AM EST
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL)–Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Axmed Buux ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro shir dhawaan la filayo in magaalada Garoowe ku yeelan doonaan guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka.