4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2019
Guddoomiyaha XDSHSI oo soo gaaray magaalada Jigjiga

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)- Waxaa galabta garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide Maxamed, gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb galay madaxda degaanka u saraysa oo uu u horeeyo Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Intaa kaddib Guddoomiye Axmed shide ayaa qolka nasniinshaha Warbaahinta dalka iyo tan degaanka kula hadlay isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo diyaargarawgii shirwaynihii 10aad ee Xisbiga oo la qaban doono maalinta Isniinta ee fooda inagu haysa oy taariikhdu ku beegan tahay 1 April 2019. sidoo kale la qaban doono shir ka horeeya kaas oo loogu sii gogol xaadhayo shirwaynaha Xisbiga oo isna sabtida la qabanayo.

Imaatinka Guddoomiyaha XDSHSI ayaa kusoo hagaagaya xilli degaanka looga diyaargaroobayo qabashadashirwaynaha Xisbiga, isla markaana lafilayo inuu qabsoomo xilligii loogu talagalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]