3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Ku dhawad 20 ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Ku dhawaad 20 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax duhurnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku dhaw hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay goobta oo aheyd meel aad saxmad badan kuna sugnaayeen dad badan oo halkaa ka cunteynayay madaama lagu soo beegay waqtiggii qadada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale sheegayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/28/2019 2:19 PM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax ay dad rayid ahi ku dhinteen oo Alshabaab la beegsadeen goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

3/28/2019 11:42 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)- Waxaa galabta garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide Maxamed, gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb galay madaxda degaanka u saraysa oo uu u horeeyo Madaxwayne Mustafe Cagjar.

3/28/2019 7:12 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Isimmada gobolka Mudug ayaa maanta go'aan ka soo saaray dhaqammada xun xun ee ku soo kordhay gobolka,waxaa ay si gaar ah u tilmaameen kufsiga ,dilalka,maandooriyaha iyo is qabqabsiga dhulka.

3/28/2019 6:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.

3/28/2019 3:09 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Guddoomiyaha Golaha Shacabk Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si deg deg u soo gudbiso sharciga doorashooyinka Qaranka.

3/28/2019 2:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah oo ka yeesheen xaaladda Soomaaliya Arbacadii shalay waxaa ay isku raaceen muddo kordhin loo sameeyay Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ilaa 31-da Maarso sanadkan soo socda ee 2020.

3/28/2019 2:26 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Wararka ka imanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaa dagaal khasaare geystay uu ku dhaxmaray galinkii danbe ee shalay ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbbaland iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

3/28/2019 1:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada marxuumka la dilay.

3/28/2019 12:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray Buula-Mareer.

3/28/2019 12:23 AM EST
Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Jarati ee dowlad deegaanka Soomaalida Saafi Diiriye Shaafi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay toogasho xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey uu ku dilay Labo ruux oo Shacab ah maalintii shalay