4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2019
Isimada gobolka Mudug oo go'aan soo saaray

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Isimmada gobolka Mudug ayaa maanta go'aan ka soo saaray dhaqammada xun xun ee ku soo kordhay gobolka,waxaa ay si gaar ah u tilmaameen kufsiga ,dilalka,maandooriyaha iyo is qabqabsiga dhulka.

Isimmada ayaa baaq u diray bulshada gobolka Mudug iyo xukuumadda Puntland,waxaa ay sheegeen dhaqammada xun xun in looga gudbi karo iyadoo shareecadda Islaamka lagu dhaqmo.

"Dadka gobolka Mudug waxa ay ku kala nabadgali karraan,laguna suulin karaa dhaqammada xun xun iyo dilalka la caadeystay,iyadoo shareecada Islaamka lagu dhaqmo".ayaa lagu yiri baaqa Isimmada oo inta ku daray "Waxaa la qabtay guddi 25 xubnood ah oo soo diyaariya qaabka shareecadda loo fulin lahaa".

Akhri baaqa Isimmada

Ku: Dowladda Punkland

Ku: Shacabka weynaha kala duwan ee gobolka Mudug

Annagoo ah Isimmada gobolka Mudug ee Puntland, waxaan aad iyo aad uga xunahay dhaqammada xun xun oo ku soo kordhay Soomaaliya oo isugu jira kufsi wadareed saqiiro u badan ,muranka dhulalka, dilal ay geystaan dad isticmaala daroogada noocyadeeda kala duwan,kaniinyo lagu sarqaamo oo darooga ah,khamri, xashiish,jaadka IWM.

Kaddib markii aan arrimahaas kor ku xusnay shir ka yeelanay waxaan go'aaminay:

(1) In kufsiyadii ka dhacay deegaanka Mudug iyo agagaarkiisa lagu xukumo shareecada Islaamka ,si aan aakhiradeen iyo adduunkeena uga badbaadno uuna istaago kufsiyada ka dhacaya gobolka Mudug.

(2) Waxay kaloo isimada ka wadahadleen go'aankii ka soo baxay shirkii lagu qabtay hoteel Uunlaaye Gaalkacyo 21/3/2019 oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Mudug ,wasiirro iyo xildhibaanno Puntland ah oo lagu go'aansaday in shareecada islaamka laysku xukumo ,maadaama goobtaas laysla wada qiray waxa kaliya oo ay Mudug ku kala badbaadi karto,laguna suulin karo dhaqamada xun xun iyo dilalka la caadaystay ee soo kordhay in xukunka Illah noo soo dejiyay laysku xukumo, waxaana ka qabtay guddi ka kooban25 xubnood oo soo diyaarsha qaabkii shareecadda loo fulin lahaa ,iyadoo mar kasta dowladda Puntland doorka ugu muhiimsan ay qaadan doonto.

Isimmada waxay xoojinayaan amrayaana in la fuliyo go'aankaas,gacana lagu siiyo guddiga loo igmaday inay arrintaas ka soo shaqeeyaan.

Waad mahadsantihiin.

Isimmada go'aanka soo saaray;

1- Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

2- Suldaan Maxamed Jaamac Juunle

3- Suldaan Cabdiqani S.Xasan X. Cali

4- Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Filig

5 Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise

6- Suldaan Maxamed S. Maxamuud Cilmi

7- Imaam Cabdiwahaab Maxamed Gurey

8- Ugaas Cabdixakiim Nuur Weehaan

9- Islaan Xasan Cigaal Ciise

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online