4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.

Qaraxan ayaa gaar ahaan ka dhacay afaafka hore Maqaayad laga cunteeyo iyadoo lagu soo beegay waqtiga qadada oo ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana goobta ilaa waqtigan laga qaadayaa dadka ay wax-yaaladu soo gaartay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa in qaraxan uu sababay, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo goobtaasi ka qaadaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]