4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Golaha Amaanka oo muddo kordhin u sameeyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah oo ka yeesheen xaaladda Soomaaliya Arbacadii shalay waxaa ay isku raaceen muddo kordhin loo sameeyay Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ilaa 31-da Maarso sanadkan soo socda ee 2020.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale ka doodday doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan 2021, waxaana Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sanadkan 2019.

Golaha ayaa sidoo kale caalamka ka dalbaday in ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan ee dowladda ka soo horjeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka hor-jeediyay warbixin ka hadleysay xaalada Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay horumarada u dambeeyay ee dowladda sameysay.

Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Midnimo inay gaaraan owladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay cambaareeyeen qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]